Home / Macluumaad / Taher Ali: Nadiifiyaha dib u celiyay Dahab 15-kg ah oo uu helay

Taher Ali: Nadiifiyaha dib u celiyay Dahab 15-kg ah oo uu helay

Himilo – Ninkan oo kasoo jeeda wadanka Pakistan ayaa nadiifiye ka ah goob baabuurta la dhigto oo ku taala magaalada Dubia ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo ay leedahay shirkadda Al Sabkha.

Taher Ali Maqbool, oo ku jira shaqadiisa habeen ayaa meel goona ah ka helay boorso uu ku jirto 15-kiilo garaam oo dab ah, kaas oo qiimihiisa lagu qadaray 2.5-milyan oo Dirham.

“Aad ayey u cusleyd waxaanse ogaa in wax waliba oo gudaheeda ku jira inay ka qaalisan tahay ammaanada” ayuu u sheegay Gulf News.

“Waxaan soo xusuustay hadalkii aabaheey ee ahaa, Hubi isha aad dhaqaalaha ka heleyso iney tahay mid nadiif ah markaas Alle waxa uu kugu abaal marin doonaa wax ka wanaagsan dhaqalaha aad ku kasban lahayd wadada qaladan” ayuu sii raaciyay Maqbool.

Boliiska oo uu ku war galiyay ayaa maalinkii xigay gaaray goobta, halkaas oo ay kasoo qaadeen boorsada.

Agaasimaha guud ee Waaxda Gaadiidka iyo Wadooyinka Dubai ayaa maamuusay Taher Ali Maqbool, isaga oo uga mahadceliyay sida uu u xafiday ammaanada.

Waxa uu kula taliyay dadka inay u shaqeystaan si adag oo daacadnimo ay ku jirto oo aysan qaadan marnaba wax aysan lahayn.

2016-kii ayey ahayd markii nin u dhashay dalka Bangladesh uu baabuurkiisa ka dhex helay 25-kg oo dahab ah oo uu kaga dhex tagay ruux rakaab ahaa, isaga oo dib ugu celiyay.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan