Himilo – Horyaalka dagaalka barkimaha waxaa markii ugu horreysay si toos ah loogu qaban doonaa gobolka California bisha Janaayo ee sanadka soo aadan 2022. Steve Williams oo ah abaabulaha ayaa xaqiijiyay in ciyaartan uusan ku jirin feer.
Wuxuu intaa ku daray in ciyaartan oo uu jeclaa kuna riyoon jiray xilligiisii yaraanta uu hadda doonayo inuu ka dhigo mid heer caalami ah oo leh taageerayaal badan.
“Ma noqoneyso meel aad iska fariisato halkaas oo aad ku qososho baalasha duuul-duulaya. Waa hawl adag oo leh barkimo u gaar ah.” Sidaas ayuu u sheegay warbaahinta

Aasaasaha ayaa sheegay in ciyaartan la isku garaaci doono barkimo si gaar ah loo habeeyay. Dadka aan jecleyn dhaawacyada wuxuu la wadaagay inaysan qofna dhaawacaynin ciyaartan.
Helaha fekraddan wuxuu tilmaamay in barkimada ay ku koobnaan jireen gudaha qolalka guryaha balse imika bannaanka ay ka suura gelinayaan ciyaar xiiso badan oo lagu wado inay dadka badan soo jiidato.



