Home Cayaaro Tottenham Hotspur weli waxay dooneysaa Zeki Celik

Tottenham Hotspur weli waxay dooneysaa Zeki Celik

0
13

Himilo – Tottenham Hotspur ayaan weli ka rajo dhigin saxiixa daafaca midig ee Zeki Celik, sida la soo werinayo

24-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii hore kula guuleystay horyaalka Ligue 1 Lille, taasoo keentay in isha ay ku hayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub.

Spurs ayaa lagu xamanayay inay xiiseyneyso inay Celik u kaxeyso Waqooyiga London, laakiin ugu dambeyntii waxay la soo wareegtay Emerson Royal si ay u buuxiyaan booskooda dambeedka midig.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay TuttoMercatoWeb, xiddiga heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa weli ku jira liiska kooxda, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Lille ay Celik ku qiimayso €20m (£16.9m), balse Spurs ayaa tartan kala kulmi doonta saxiixiisa Atletico Madrid iyo Fiorentina.

24-sano jirkaan ayaa sanadkii 2018 ka soo dhaqaaqay Istanbulspor isagoo u soo dhaqaaqay France, waxaana tan iyo markaas uu u saftay 114 kulan kooxda Lille.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan