Home / Uncategorized / Ukraine: Lamaane maalmaha malabka ku qaadanaya furinta dagaalka

Ukraine: Lamaane maalmaha malabka ku qaadanaya furinta dagaalka

Himilo – Lamaane reer Ukraine ah ayaa maalintii meherkoodu dhacay maalintii ku xigtay waxay ku biireen ciidamada difaaca ee la dagaalamaya Militariga Ruushka ee ku soo duulay.

Yaryna Arieva, 21, iyo Sviatoslav Fursin, 24, oo ku ballamay inay aqal galaan Bisha May ee sanadkan ayaa guurkooda soo dedejiyay markii Ruushku soo fara geliyay dalkooda.

Lamaanahan maalmaha malabkooda ku qaadanaya furinta dagaalka, waxay go’aansadeen inay guurkooda soo hormariyaan sabab la xiriirta mustaqbalkooda oo aysan hubin.

“Xaaladdu aad ayay u adag tahay. Waxaan u soconaa inaan u dagaalanno dhulkaanaga. Waa suura gal inaan dhimano, waxaan qaadanay inaan midowno arrintaas ka hor.” Yaryna ayaa CNN u sheegtay.

Sanadkii 2019 ayay isku barteen dibad bax ka dhacayay caasimadda Kyiv. Waxay ku rajo weyn yihiin inuu waddankoodu nabad noqon doono, iyagu ay ku noolaan doonaan waayo farxadeed.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan