Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Arturo Vidal ayaa lagu soo warramayaa inuusan ku faraxsaneyn in la bedelo kulankii ay guuldarada 2-1 ka soo gaartay Juventus.
33-jirka reer Chile, oo jaalle qaatay sidaasna lagu ganaaxay lugta labaad ee Allianz Stadium, waxaa lagu beddelay Christian Eriksen 73 daqiiqo kadib.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaan ku faraxsaneyn go’aanka tababare Antonio Conte, sida La Gazzetta dello Sport uu caddeeyay inuu garoonka ka baxay isagoo leh: “Had iyo jeer lambar 22 waa la badalaa “
Vidal ayaa ciyaaray 25 kulan tan iyo markii uu ka yimid kooxda Barcelona xagaagii hore, waxana uu ku soo kordhiyay 2 gool iyo laba caawin.