Home / Cayaaro / Vidal oo ugu danbeyn si xor ah ugu biiraya Inter Milan

Vidal oo ugu danbeyn si xor ah ugu biiraya Inter Milan

Himilo – Sida ay ku waramayaan warbaahinnada Italy, Arturo Vidal ayaa wada-xaajood lagalay isaga oo soo gababeyay heshiiskiisa Barcelona habeenkii xalay, taasi oo ka dhigan in saacadaha soo aadan uu tijaabada caafimaad u mari doono kooxda Inter Milan.

Khadka dhexe ayaa la hadlay hoggaamiyaha cusub ee Barcelona ee Ronald Koeman, iyaga oo isu diyaarinaya in la tirtiro heshiiskiisa halka sanno, isaga oo wadahadal la bilaabay Inter Milan.

Sida ay ku warameyso Sport Mediaset, habeenkii xalay ayaa la xaliyay wax waliba, Vidal ayaana aqbalay in uu isaga tego heshiiskiisa halka sanno iyo mushaarkiisa.

Vidal ayaa goor sii horreysay la galay qandaraas laba sanno ah naadiga Inter Milan.

Waxa la rajeynayaa in uu yimaado magaalada Milan saacadaha soo aadan ama maalmaha nagu soo wajahan si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxda.

Waxa uu dib ula midoobi doonaa tababarihiisii hore Antonio Conte, kaasi oo ay kasoo wada shaqeeyeen naadiga Juventus.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan