Home / Cayaaro / Waa kuma qofka bedelaya Jose Mourinho?

Waa kuma qofka bedelaya Jose Mourinho?

Himilo FM – Taageerayaasha Man Utd ayaa sheegaya in Nicky Butt uu bedeli doono Jose Mourinho kaddib markii tababaraha reer Portugal laga ceyriyay kooxda. xiddigaha ay da’dooda ka hooseyso 19-jirada ayaa guul muhiim ah ka gaaray naadiga Valencia,taasi ayeyna jamaahirtu u aqoonsadeen.

Red Devils ayaa guuldarro 3-1 ah kala kulantay kooxda Liverpool maalinimadii axadda,naadiga ayaana hadda waxa ay Liverpool oo hoggaanka u heysa horyaalka ay ka danbeeyaan 19 dhibcood.

Da’yarta uu hoggaamiyo Nicky Butt ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed sarreeya kulankii dhalinyarada oo ay la ciyaareen Valencia.

United waxay u aaminsan tahay in uu soo bandhigay qaab ciyaareed sarreeya,waxa uuna 43 jirkaan u qalmaa  bedelka  shaqada Mourinho.

“Yaa filaya Nicky Butt in uu maamulo kooxda” mid kamid ah taageeraysha ayaa yiri

Mid kale ayaa faallo ka bixiyay: “Tababaraha xiga ee Man United – Nicky Butt.”

Halka shaqsiga seddexaad uu yiri: “midkan ayaa ku fiican kooxda koowaad.”Mourinho hadda ayuu baxay.”

Tani waxay imaaneysaa iyadoo guddiga United ay go’aan ka gaareen mustaqbalka tababaraha reer Portugal,kooxdana ay ka ceyriyeen.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan