Home Arrimaha Bulshada Waa maxay shaqooyinka ugu adag ee la qabto?

Waa maxay shaqooyinka ugu adag ee la qabto?

0
16

Himilo – Shaqada waxay muhiim u tahay qof kasta. Waa kala nuuc shaqooyinka, waxaa jira kuwa khatar geliya nolosha dadka iyagoo ah kuwa aanan laga maarmin si loogu adeego bulshada.

Haddaba waxaa dunida laga xusayaa maanta (1-da May) maalinta caalamiga ee shaqaalaha adduunka. Sidaa darteed, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa shaqooyinka ugu adag caalamka.

1) Saraakiisha Booliiska

Waxa loo arkaa shaqadan mid kamid ah shaqooyinka ugu culus ee la qabto xilli booliiska la tacaamulaan danbiilayaasha adeegsada hubka ee ka baxsanaya cadaaladda. Tani waxay khatar gelin kartaa nolosha saraakiisha.

2) Qofka haga dadka kora buuraha 

Xirfadda la xiriirta hagida dalxiisayaasha ayaa ah mid adag. Waxa uu qofka ku qasban yahay in uu ku socdo dhagxaanta, buuraha iyo wabiyada isaga oo ka gudbinaya dadka kale.

3) Shaqaalaha qashinka elektorooniga ah

Shaqada ah uruurinta qashinka elektorooniga ah waa mid si weyn loogu baahan yahay laakiin waxaa lagu tiriyaa shaqooyinka leh khatartooda xilli shaqaalaha wajahaan sun ku keeni karta caafimaad darro.

4) Shaqaalaha dab damiska

Kaalinta shaqaalaha dab damiska waa mid muhiim u ah nolosha dadka meel kasta. Waxay kamid tahay shaqooyinka halista leh ee gaalafan kara nolosha shaqaalaha.

5) Ilaalada gaarka ah       

Shaqada ilaalada gaarka ah ayaa kamid ah kuwa ugu adag caalamka ha noqdo qofka loo shaqeynayo siyaasi, ganacsato ama qof caan ah. Shaqaalaha nuucaan ah ayaa la kulmi kara khataro inta uu ku guda jiro shaqadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan