Qoysas barakac cusub ayaa maalinle u soo gaara xeryada barakaca ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho. Waxay isugu jiraan kuwo ka soo cararay dagaalada ka jira gobolada qaar iyo kuwo abaarta ku soo cayroobay.
Waxay wajahayaan hubanti la’aan dhanka nolosha ah, waxaa ku adag inay helaan cunno ay siiyaan carruurtooda. Wax hanti ah lama aysan imaan xeryaha, sidoo kale ma jirto cid ay ku tiirsan yihiin oo ka caawineysa dab shidashada.
Waa dad aad u nuqul, waxay soo galeen safar dheer. Waxaa u weheliyay sahay la’aan iyo lugeyn maalmo ku qaadatay. Wejiyadooda waxaa ku sawiran duruufta ay la nool yihiin, filashadooda waa inay helaan kaalmo dadweyne.
Marka laga tago hubanti la’aanta ka haysata cunno helida, waxyaaba u raaca ee ay u baahan yihiin waxaa ka mid ah hoyga oo nolosha aadanaha u ah aasaas. Buulal yaryar oo aan laheyn awood iyo mug ayay dhex fadhiyaan iyo halka kuwo kale ay dul-saar ku yihiin qoysas kale.