Himilo – Wakiil Mino Raiola ayaa shaaciyay in xiddigga uu wakiilka u yahay ee Paul Pogba, suuragal tahay dib ugu laabashada kooxda hanatay horyaalka Serie A ee Juventus.
Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ayaa la sheegay in uusan ku faraxsaneyn joogitaanka Old Trafford isla markaana macquul tahay u dhaqaaqitaanka kooxdiisii hore.
Paul Pogba ayaa kasoo dalacay akadeemiyadda da’yarta Manchester United, isaga oo kulankiisii ugu horreeyay u ciyaaray Red Devils sannadkii 2011. Waxa uu Old Trafford kaga biiray Juventus weliba si bilaash ah, inkastoo markii danbe qiimo sare uu dib ugu soo laabtay Man Utd.
Wakiil Mino Raiola, ayaa wareysi uu siiyay Tuttosport ku yiri: “Haa, Paul Pogba waxa uu dib ugu laaban karaa Juventus. Isagu kuma faraxsana Manchester United.”
Paul Pogba ayaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxdiisii hore ee Juventus iyo naadiga La Liga ku guuleysatay ee Real Madrid.