Wakiilka Jorginho oo sheegay in xiddiga uu sii joogi doono kooxda Chelsea

0
8

Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa lala xiriirinayay in uu ku biirayo Roma haddii Maurizio Sarri uu la wareego shaqada naadiga caasimadda, laakiin wakiilka ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in uu laacibka sii joogayo London.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Blues ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo  kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Real Madrid xalay, waxaana wakiilkiisa Jorge Santos uu la hadlay Radio Kiss Kiss si uu ugu qanciyo taageerayaasha in xiddiga uu sii joogi doono Stamford Bridge.

 “Jorginho wuxuu sii joogi doonaa Chelsea,” Jorge Santos ayaa u sheegay Radio Kiss Kiss “Weli wuxuu heystaa qandaraas labo sanno ah oo uu kula joogo kooxda reer England, waxaana kaliya uu diiradda saarayaa inuu xilli ciyaareedka ku dhammeysto sida ugu macquulsan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here