Home / Cayaaro / Wakiilka Orsic oo xiriir la leh kooxaha Talyaaniga

Wakiilka Orsic oo xiriir la leh kooxaha Talyaaniga

Himilo – Xiddiga Dinamo Zagreb Mislav Orsic ayaa Tottenham ka ciribtiray Europa League isagoo dhaliyay seddexleey, wakiilkiisana wuxuu shaaca ka qaaday inuu la xiriiray kooxo dhowr ah si uu ugu laabto Italy.

28 jirkaan ayaa qabsaday cinwaannada warbaahinta Cayaaraha  toddobaadkan markii seddexleeydiisa uu u ogolaaday Dinamo Zagreb inay rogto guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Tottenham Hotspur lugtii hore ee wareega 16ka Europa League.

Taasi waxay ku qaadatay ilaa shan gool 10 kulan oo Europa League ah xilli ciyaareedkan, 19 ka mid ah 36 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Wakiilka Branko Hucika ayaa u sheegay Calciomercato.it: “Wuxuu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda dhamaan tartamada seddexdii xilli ciyaareed danbe, inkasta oo uusan aheyn weeraryahan, laakiin uu yahay garab,”

“Seddexleyda  waxay ahayd dareen cajiib ah, aad ayuu u faraxsanaa. Runtu waxay tahay, wuxuu sifiican u sameynayay in muddo ah, ha ilaawin xilli cayaareedkii hore wuxuu dhaliyay seddexley kulankiisii ​​ugu horeyay ee Champions League ee Atalanta sanadkii hore. ”

Qaar badan ma xasuusnaan doonaan, laakiin Orsic wuxuu Talyaaniga uga ciyaaray Spezia xilli ciyaareedkii 2013-14, xilligaas oo ka tirsanaa Serie B, isagoo saftay 11 kulan oo keliya.

“Khibradda Talyaaniga ayaa caawisay, inkasta oo uu u qalmay inuu wax badan ka ciyaaro Spezia. Waqtiga uu yaraa, ma garaneynin luuqada wuxuuna ku qasbanaaday inuu barto dhanka taatikada ee ciyaartooda, kuwaasi waxay ahaayeen marmarsiinada loo sheegay.

Waxaan la xiriirayaa dhowr naadi oo Talyaani ah. Haatan waa 28 jir, runtii ma dhihi doonno maya ku laabashada Talyaaniga. ”

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan