Home / COVID 19 / WHO: Tallaalku ma ciribtiri doono Covid-19

WHO: Tallaalku ma ciribtiri doono Covid-19

Himilo – Hay’adda Caafimaadka dunida ee WHO ayaa ka digtay in la isku haleeyo tallaalada Covid-19, kuwaas oo ay sheegtay inaysan ciribtiri karin cudurka dilaaga ah.

“Tallaaladu kama dhigna in xanuunku baaba’ayo, waxey kaabe xoogan u yihiin qalabka lagu baaro Covid-19, balse isaga kaligii ma qaban karo shaqadaasi” sidaasi waxaa yiri agaasimaha xaaladaha deg degga ah ee WHO Michael Ryan xilli uu ka hadlayay saxafiyiinta.

Waxey digniinta WHO soo baxeysaa waqti dowladaha qaar ogolaanayaan in dadkoodu adeegsadaan tallaalka Covid-19, Britain ayaana noqotay dalkii ugu horreeyay ee reer galbeed ah ee tilaabadaasi qaado.

Shirkadaha soo saara tallaalka sida Pfizer-BioNTech ayaa dowladaha caalamka ka dalbanaya in ogolaansho siiyaan si loo isticmaalo tallaalka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan