Xarunta gobolka Banaadir ayaa xalay lagu qabtay xaflad casho sharaf loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii kasoo qeyb galay tartanka gobollada dalka, laguna soo xirayay tartankan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Maxamed Cabdullaahi Nuux ayaana hadallo dhiiro gelin ah ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir oo xafladda lagu qabtay.
Cayaarahan ayaa muddo labo toddobaad ah ka socday gegada Banaadir iyadoo ugu danbeyn guushu tartanka ay raacday cayaartoyda Puntland.
Xuquuqda Sawiradda waxaa iska leh Cali Cabdi Ducaale.