Home / Cayaaro / Xiriirka Cristiano Ronaldo iyo Ralf Rangnick oo hoos u dhacay

Xiriirka Cristiano Ronaldo iyo Ralf Rangnick oo hoos u dhacay

Himilo – Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa in uu bur buray xiriirkii uu la lahaa tababaraha ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ralf Rangnick.

Rangnick ayaa ku dhibtooday inuu xoojiyo kooxda tan iyo markii uu beddelay Ole Gunnar Solskjaer bishii November, iyadoo Red Devils ay badisay kaliya afar ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay AS, Rangnick ma haysto taageerada ciyaartoyda waa weyn ee kooxda oo uu ku jiro Ronaldo, kaasoo aan aaminsanayn in Jarmalku uu joogo heerkii looga baahnaa si uu kooxda u maamulo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu ku niyad jabay ka dib markii 63-sano jirku uu ku dhaleeceeyay weeraryahanka iyo saaxiibadiisa weerarka ah inaysan ku fiicneyd gool dhalinta.

Ronaldo ayaa dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin 37 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu gool dhaliyo lixdii kulan ee ugu danbeysay. Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalkiisu wuxuu ku xirnaan doonaa haddii Rangnick loo dhiibo shaqada maamulka si joogto ah xagaaga.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan