Himilo –Maalinta caafimaadka adduunka sanad kasta waxaa loo debaal deggaa 7 April. Ujeedada maalintan ayaa ah in laysku baraarujiyo kor u qaadidda caafimaadka.
Xuska maalinta waxay soo billaabatay sannadkii 1948. Wixii markaas ka dambeeyay waxaa sanadle loo falanqeynayay muhiimadda caafimaadka iyo waxyaabaha saameeya.
Maalintan hay’adda caafimaadka adduunka waxay qaban-qaabisaa munaasabado dawladaha iyo ururada lagu booriyo inay dareen weyn siiyaan adeegyada caafimaad ee dadweynaha.
Isku war gelinta xaqiiqooyinka caafimaadka kaddib waxay WHO dunida ugu baaqi doontaa inay sameyso ficillo lagu baabi’inayo caddaalad darrada caafimaad ee COVID-19 sii xoojiyay.