Himilo – Sanad kasta 19 August, dunidu waxay u asteysay maalin si wada jir ah taageero loo siiyo kuwa u baahan garab qabashada ee la daalaa dhacaya xaaladaha bani aadanimo ee ciriiriga nolosha.
Sidoo kale, maalintan waxaa dareen bogaadin iyo hanbalyo leh loo muujiyaa shaqaalaha kala duwan ee ku hawlan samata-bixinta dhibbanayaasha la halgamaya mushkiladaha maalinlaha ah.
Malaayiin dadka oo ku nool dalalka ugu saboolsan caalamka waxay la kulmaan takoor sal-dhiggiisu yahay inay yihiin danyar fara mara-maran oo u baahan gacan qabasho iyo taakuleyn uga timaada kuwa wax haysta.
Geesta kale, shaqaalaha sama-falka ee wakhtigooda geliya hawlaha naf-badbaadinta iyo baxnaaninta bulshooyinka ay saameeyaan musiibooyinka waxay dhankooda wajahaan dhibaatooyin sida dil, af-duub iyo xannibaad.
Ujeedadada maalintan loo xuso waa in wax laga qabto waxyaaabaha sababa xaaladaha bani aadanimo sida faqriga, dagaalada, iyo daadadka. Waxaa kale, oo farta lagu fiiraa in hawl-wadeenada loo fududeeyo shaqada.