Himilo – 19-jir arday ah ayaa lagu amray inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan £10,000, oo u dhiganta 12,979 doolar,Walibana uu raaciyo raali galin kadib markii uu dad asxaabtiisa ah ku casuumay gurigiisa.
Waxaa guriga ardayda oo ku yaala Nottingham, ka soconeysay xaflad markii xubno ka socda Gudigga difaaca bulshada ay tageen, ayna dadka ku amreen inay kala dareeraan.
Boliiska ayaa ku eedeeyay ardayga inuu jabiyay sharciga kadib markii uu isku keenay 50-ruux, balse 19-jirkan ayaa ku doodaya inuu casuumay kaliya 25-qof.
Waxa uu raali galin ka bixiyay falka uu ku kacay, wuuse ka gaabsaday inuu shaaciyo inuu bixinayo lacagta ganaaxa ah iyo inuu ka qaadan doono racfaan haddii loo ogolaado.
Sharciga Britain ee la dagaalanka COVID-19 ayaa dhigaya in wax ka badan lix ruux aysan mar qura meel ku wada kulmi Karin.