Home / Maalmaha Caalamiga / 8 Maarso – Maalinta Caalamiga ee Haweenka

8 Maarso – Maalinta Caalamiga ee Haweenka

Himilo FM – Maalinta Caalamiga ee haweenka waa dhacdo si guud dunida looga xuso 8 Maarso sannad kasta tan iyo markii la sameeyay. Munaasabadaha maalintan la qabto  waxaa lagu casuumaa haween kala duwan kuwaa oo ka dhex muuqda siyaasadda, dhaqaalaha, hal- abuurka  iyo dhinacyo kale.

Dhammaan ka qeyb galayaasha waxay soo jeediyaan sheekooyinka dhiiri-gelin iyo xanuunba leh kuwaa ku dhacay haweenka, geeska kale waxaa la canbaareeyaa kuwa loo arko inay ku lug leeyihiin dhibka ku dhaca dumarka. Sannadkan waxaa Hal-Ku-Dheg loo qaatay “Isku dheellitiraan wanaagsan”

Markii ugu horreysay 8 Maarso waxaa looga debbaaldegay si heer qaran ah New York Mareykanka 28 February sannadkii 1909. Waxa xigay tallaabo  ay qaadeen dhawr dalka oo reer Yurub kuwaa oo taageeray codbixinta dumarka sannadkii 1914. Ururkii midowgii Soviet ayaa ku suntan bilaabidda fasax rasmi ah 1965.

Balse Maalintan waxay noqotay dhacdo caalami ah kaddib markii qaramada midoobay ay u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ah ee haweenka sannadkii 1975, wixii ka dambeeyay xilligaa waxaa lagu hawlanaa kor u qaadida kaalinta haweenka ee bulshada.

27 dalka ayaa 8 Maarso ka dhigay maalin qaran, hase ahaatee badankood uma arkaan maalin loo dagaalamo xuquuqda haweenka,balse waxaa la garowsan yahay in boqolkii sano ee tagay dumarka ay xaqiijiyeen xuquuq ka maqneyd sida shaqada helidda.

Iyadoo uu isbedel jiro hadana waxaa la rumeysan yahay in qaar ka mid ah ahdaaftii waawaynaa ee maalintan loo unkay sida sinnaanta jinsiga in weli aan la wada taaban, sidaa darteed waxaa  lagu joogaa waddo dheer.

Dalalka qaar haweenku waxay dhibbane u yihiin gudniinka fircooniga, quursi iyo taxadiyo kale sida kufsiga iyo adoonsiga. Sida laga soo xigtay Golaha Dhaqaalaha Adduunka ee loo soo gaabiyo WEF in la ebyo fogaanta u dhaxaysa sinnaanta la’aanta jnsiga waxay qaadaneysaa ugu yaraan 108 sano.

Saddaxdii haween ah waxay u badan tahay inay wajahaan rabshad noloshooda, sida ay sheegtay qaramada midoobay qiyaastii 740 milyan oo haween ah ayaa ku nool nolol hooseysa, sidaa awgeed way adag tahay inay helaan ilaalin bulsho.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan