Home / Cayaaro / Barcelona oo is hortaagtay rabitaankii Ronald Koeman

Barcelona oo is hortaagtay rabitaankii Ronald Koeman

Himilo – Kooxda Barcelon ayaa lasoo warinayaa inay is hor-taagtay isku daygii Ronald Koeman uu ku doonayay in Rumelo Lukako uu xagaagan ku keeno kooxda.

Sida ay warisay Mundo Deportivo, tababare Koeman ayaa ku wargaliyay gudigga sare ee Barca inuu doonayo in heshiis la gaaro xiddigan Belgium-ka kasoo jeeda, si uu baddel ugu noqdo Luis Suarez.

Balse gudigga ayaa ku qaadacay rabitaankiisa.

Lukaku oo bishii hore ee August ku biiray kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa dhaliyay 34-gool, 51-jeer oo uu kasoo muuqday dhammaan tartamada.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheega in Real Madrid ay sidoo kale u aragto ciyaariyahankan dabalka fog ee Kareem Benzema.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan