Home / Macluumaad / Dadka Cumrada bishan ramadaan u tagaya Sacuudiga oo hab-raacyo cusub loo dejiyay

Dadka Cumrada bishan ramadaan u tagaya Sacuudiga oo hab-raacyo cusub loo dejiyay

Himilo – Wasaaradda dawladda Sacuudiga u qaabilsan Xajka Iyo Cumrada ayaa ku dhawaawday hab-raacyo cusub oo laga doonayo inay dhaqan geliyaan ajaaniibta cumrada u aadaya dalkaasi.

Sida laga soo xigtay Arab News, waxaa waajib noqoneysa in  xujeyda tagaya waddanka ay xarumaha Magaalaada Makkah ka qaataan tallaalka nooca la hubiyay.

Ugu yaraan lix saac ka hor ayaa xujeyda laga rabaa inay helaan tallaalka ka hor inta aysan billaabin hawsha gudashada acmaasha Cumrada.

Bish March ayay Xujeydu billaaben tagida Sacuudiga iyadoo wasaaradda caafimaadka ay marba soo bandhigeysay hab-raacyo looga hor tagayo faafidda karoona.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan