Garsoore amray in la xero 14 macallin oo ay isku qabteen garoon salax ah!

Himilo FM – Golaha garsoorayaasha iyo dacwad oogayasha Turkiga ayaa furay baaritaan la xiriira xarigga 14 macallin oo uu amray garsoore sida laga soo xigtay wargeyska maalinlaha ah ee Hürriyet.

Wargeyska ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo amar uu bixiyay garsoore fadhigiisu yahay gobalka Diyar Bakar ee dalkaasi si loo soo xero 14 macallin kaddib markii uu khilaaf ku aadan qabsashada wakhtiyeed ee garoonka uu dhax maray kooxda macallimiinta iyo koox uu watay garsooraha.

Wararka waxay intaa raacinayaan in macallimiinta ijaarteen garoonka laga billaabo 9-ka illaa 10-ka habeenimo iyadoo kooxda garsooraha qaadatay wakhtiga ah 10-ka illaa 11-ka habeenimo.

Muranka waxa uu yimid markii kooxda garsooraha yimaadeen garoonka sagaalka habeenimo oo ah kahor wakhtiga la balamiyay. Waxa uu garsooraha ku amray macallimiinta oo ay ciyaar u socotay inay garoonka ka baxaan.

Markii macallimiinta ka soo horjeesteen go’aanka garsooraha ayaa waxa uu booliisku siiyay amarka ah inay xeraan 14 macallin inkastoo mar danbe la sii daayay.

Dhacdadan waxay keentay doodo kulul iyadoo wasiirka cadaalada Turkiga Cabdi Xamiid Gol uu sheegay in baaritaan uu socdo islamarkaana laga qaadan doono tallaabada ugu habboon.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan