Luxembourg: Dadka oo si bilaash ah ku raaci kara gaadiidka dadweynaha

Himilo – Iyada oo la isku dayayo yareynta ciriiriga, Luxembourg ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay dunida ee bilaash ka dhiga gaadiidka dadweynaha. Tani waa markii ugu horreysay oo la soo saaro go’aan xaqiijinaya in dalka oo idil gaadiidka dadweynaha laga dhigo mid bilaash ah, sida uu xaqiijiyay wasiirka gaadiidka.

Go’aanka kasoo baxay xukuumadda  Luxembourg ayuu ujeedkiisu yahay sidii hoos loogu dhigi lahaa ciriiriga waddooyinka, sida ay werisay AFP. Sidaa darteed, qorshahan waxa uu abuurayaa in qof walba ay sannadkii u baaqan doonto ku dhawaad 100 Euro oo u dhiganta ($110).

Dadweynaha qaar ayaan ogeyn isbeddalka ka dhacay dalkooda ee ku aadan gaadiidka, “Ma bilaash baa? Ma aanan ogeyn,” ayay tiri haweeney ku magacaaban Dominiqu.

Qorshahan bilaashka looga dhigayo gaadiidka waxaan qeyb ka aheyn tikidhada heerka sarre ee tareenka iyo basaska habeenkii u adeegga bulshada.

Inta ugu badan dadka ku safra Luxembourg waxay adeegsadaan gawaaridooda gaarka ah sida lagu sheegay daraasad la daabacay sannadkii 2018-kii. Isticmaalka baska halkan waxaa shaqadooda ugu safra keliya  32% halka tareennada ay ku safraan dad lagu qiyaasay 19% sida ay werisay AFP.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan