Himilo- Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inaysan weli wadahadalo qandaraas la furin weeraryahanka khibrada leh ee Edinson Cavani.
32 jirka ayaa dhaliyay 195 gool 283 kulan oo uu u saftay PSG tartamada oo dhan – oo ay ku jirto labo jeer afartii kulan ee ay ciyaareen billowga ololaha 2019-20.
Cavani ayaa arki doona heshiiskiisa haatan ee Paris oo dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, in kastoo Naadiga David Beckham ee ka dhisan MLS-ka Inter Miami lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo South American-ka.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, PSG ayaan wadahadalo la furin weeraryahanka oo ah heshiis cusub, iyadoo soo jeedineysa in kooxda ka dhisan caasimadda ay isku diyaarineyso nolosha ka dib xiddigii hore ee Napoli.
Cavani, oo dhaliyay 48 gool 114 kulan oo uu saftay heer caalami, ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan PSG isaga oo ka sarre maray Zlatan Ibrahimovic bishii Janaayo 2018.
Kooxo badan oo Premier League ah ayaa loo tixgaliyay inay xiiseynayaan xiddigii hore ee da’ yaraha Danubio intii uu joogay Parc des Princes.