Home / Cayaaro / PSG oo wadahadalo qandaraas kordhin ah la furaysa Kylian Mbappe

PSG oo wadahadalo qandaraas kordhin ah la furaysa Kylian Mbappe

Himilo- Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo qandaraas ay la fureyso weeraryahanka Kylian Mbappe.

Iyadoo ku guuleystaha Koobka Adduunka uu weli qandaraaskiisa uga harsan yahay labo sano iyo bar, ayaa 20 jirkan waxaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Parc des Princes.

Real Madrid iyo Liverpool ayaa mid walba la sheegayaa inay  isha ku hayaan xaalada ka hor dalabyada adduunka ka imaan kara ee xiddiga heerka caalami ee dalka France dhamaadka xilli ciyaareedka.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay L’Equipe, PSG diyaar uma ahan inay qirato guuldaradii ka soo gaartay dalabkoodii ahaa inay Mbappe kusii hayaan kooxda 2022ka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata Ligue 1 inay durbadiiba wadahadalada la bilowday weeraryahankeeda oo ku aadan heshiis cusub, taasoo ay u badan tahay inay ku soo dari doonaan mushahar badan.

Iyadoo aan loo eegin inay guuleysteen iyo in kale, PSG ayaa wali u muuqata inay ku dalbaneyso lacag ka badan 200 milyan ginni Mbappe.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan