Home / Arrimaha Bulshada / Sawirqaade hal milyan oo doolar maalin gudaheed ku uruuriyay

Sawirqaade hal milyan oo doolar maalin gudaheed ku uruuriyay

Himilo – Sawir-qaade u dhashay Chana oo xaruntiisu tahay New York, wuxuu Waqtigiisa ugu badan geliyay uruurinta in ka badan 300 oo kun oo buug sawireedyo u gaar ah dadka iyo dhulka Africa, si uu u furo matxafka ugu wayn qaaradda ee lagu keydiyo sawirro.

Waxa uu doonayaa inuu dhiirigeliyo sawir-qaadayaasha kale ee kula abtirsada qaaradda Madow, isaga oo u maraya waddo uu dib ugu qeexayo waxa ay ka dhigan tahay afrikaanimada.

Marka uu yimid Mareykanka, si uu uga faa’iideysto deeq waxbarasho oo uu helay waxaa ka hor yimid caqabado  ku qasbay inuu u tafa xeyto uruurinta noocyada sawir ee uu doonayo, xilli badi dadka kula nool Mareykanka ay ku xannibnaayeen aqaladooda feyruska karoona dartiis.

Si uu u helo buugaagta uu doonayo, wuxuu billaabay inuu qabto shaqooyin dheeri ah, waqtiyada qaarna uu qaato amaah, waxa uu rumeysan yahay inuu noqon doono ninkii ugu horreeyay ee dhisa maktabada ugu wayn dunida ee lagu keydiyo sawirada Africa.

Ma helin lacagtii uu u baahnaa, wuxuuse billaabay olole lacag uruurin ah, waxaa maalin gudaheeda uu kusoo xareeyay lacag dhan hal milyan oo doolar.

Hadda waxaa billaw ah dhismaha matxafka oo lahaan doona dhowr istuudiyo, hoolal lagu xardho sawirada ka hadlaya dadka, keymaha, buuraha, webiyada iyo xayawaanada Africa, kuwa leh qaanado la dhigo buugaag sawireedyada ka hadlaya qaaradda iyo qolal lagu tababaro sawir-qaadayaasha.

“Mararka qaar dadka qofka u fikira sideyda oo kale waxey u arkaan inuu ka duwan yahay aadanaha kale, sababtoo ah maskaxdooda waxaa ka buuxa sheekooyin lid ku ah kuweena”

18-kun oo ka mid ah buugta uu uruuriyay ayaa kusii wajahan magaalada Accra ee Ghana, halkaasi oo Poul Ninson u anbabixi doono bisha inna soo aadan.

W.Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan