Home / Cayaaro / Tababaraha Barcelona oo si weyn u daneynaya joogitaanka Messi ee Camp Nou

Tababaraha Barcelona oo si weyn u daneynaya joogitaanka Messi ee Camp Nou

Himilo – Tababaraha kooxda Barcelona Quique Setien ayaa qiray in uu rajo wanaagsan ka qabo in Barcelona ka dhigi karto Lionel Messi mid farraxsan si loogu qanciyo in uu sii joogo kooxda.

Qandaraaska cayaaryahanka reer Argentine ayaa ku eg dhammaadka xilli cayaareedkan laakiin Setien ayaa carrabka ku adkeeyay ahmiyadda in laacibka lagu sii hayo garoonka Camp Nou.

“Waxaan rajeynayaa in Messi aan ka dhigi karno mid farraxsan oo doonaya in uu sii joogo,” ayuu yiri tababaraha kooxda Barcelona Quique Setien.

Waxaa hadda ka dhaawacan Barcelona weerarkeeda Luis Suarez iyada oo ku guuldareysatay inay raadiso beddalkiisa suuq furankii bishii Janaayo balse Setien ayaa rajeynaya inay xal heli karaan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan