Home / Aragtida Islamka / Wax ka ogow dalalka haweenka garaaca raggooda!

Wax ka ogow dalalka haweenka garaaca raggooda!

Himilo FM – Xarunta baaritaanada danbiyada hay’adda QM ayaa shaacisay in haweenka Masar noqdeen kuwa ugu horreeya ee garaaca raggooda caalamka oo dhan.

Dr Ashjan Nabil oo ku taqasusay arrimaha qoyska ayaa tilmaamay in dadaalo badan oo lagu taageeri jiray haweenka inay keeneen saameynta tabban ee aan wanaagsaneyn.

Haweenka Masar ayaa la xusay in 28% garaacaan raggoooda, waxaana lagu tilmaamay arrin ugub ah oo ku billaabatay bulshadda Masaarida.

Maxakamadaha dalka Masar ayaa sannadihii danbe qaabilyay dacwado rag ka cabanaya inay xaasaskooda garaacaan sida uu sheegay Dr Ashjan.

Kaalmaha xigga ee haweenka garaaca raggooda waxaa soo galay haweenka Mareykanka oo ah heer dhan 23%, Ingiriiska ayaa raacay oo noqday 17% halka Hindiya timid kaalinta xigta iyadoo lagu qiyaasay heerka haweenka garaaca raggooda 11% .

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan