Dhallinyaro isu xilqaamay in ay af furiyaan dadka danta yar ayaa Degmada Dharknley ee Mahaalada Muqdisho ka billaabay af furinta dadka Barakacayaasha ah ee aan awoodin qarashaadka ku baxaya Af furka.
Dhallinyaradan ayaa sheegay in sanadkii shanaad oo xiriir ah ay shaqadan wadaan iyaga oo codsaday in lagu garab istaago tallaabada ay sheegeen in ay u qaadeen wax u qabashada dadka danta yar.
Mid ka mid ah xubnaha Dhallinyarada ah ee howshan wada ayaa sheegay Radio Himilo in shan Sano oo ay howshaan wadaan aysan ka caajisin siina wadi doonaan.
Axmed Siciid Waxaa uu baaq u diray qurbejoogta iyo dadka jecel in ay wax sadaqeystaan oo uu ugu baaqay in ay ku garab istaagaan wax u qabasnada dadka danyarta ah ee aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashka ku baxaya af furka.
Axmed Waxa uu xusay in sanad walba ay meel ku qabtaan islamarkaana aysan jirin dowlad gacan ku siiya kaliyana ku bixiyaan dhaqaale ay ka helaan dad ay gaarsiiyeen qeyladooda.
https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/1505250446675542