Home / Arrimaha Bulshada / Imisa sano ayay qaadanaysaa in Marinka Gaza laga saaro qaraxyada?

Imisa sano ayay qaadanaysaa in Marinka Gaza laga saaro qaraxyada?

Himilo – Marin Gaza dhibaatada mudada ka sii jiri doonta waxaa ka mid ah haraadiga walxaha qarxa, kaas oo ka haray dagaalladii ba’naa ee ka socday tan iyo bishii Oktoobar sanadkii 2023.

Sida laga soo xigtay dawladda Falastiin waxaa marinka ku firirsan ilaa 20 kun waxyaabo aan qarxin, kuwaas oo dhibaato gaarsiisan dhimasho keeni kara muddo sanado ah.

Wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA ayaa sheegtay in Sabtidii ilmo yar koonfurta Khan Younis uu ugu dhintay waxlaha qarxa.

In laga saaro meelaha ay ku jiraan waxay qaadan kartaa 20 ilaa 30 sano iyadoo loo baahan yahay qalab loo kaashado. Arrintan ayaa sidoo kale u baahan wacyi gelin.

Dadka ugu nugul ee dhibbaha waa carruurta.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan