Home / Macluumaad / Madaxweynaha Bartamaha Afrika Touadera oo shaaciyay inuu u tartamayo muddo-xileed saddexaad

Madaxweynaha Bartamaha Afrika Touadera oo shaaciyay inuu u tartamayo muddo-xileed saddexaad

Himilo – Madaxweynaha hadda ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Faustin-Archange Touadera, ayaa Sabtidii si rasmi ah u xaqiijiyay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha markii saddexaad, kaddib markii xisbigiisa United Hearts Movement uu u magacaabay musharrax madaxweyne.

Inkasta oo muddo-xileedkiisa hadda uu ahaa kii ugu dambeeyay, haddana aftidii dastuurka ee dhacay 2023 ayaa meesha ka saartay xaddidaadda laba jeer ee xil-haynta madaxweynaha, iyadoo sidoo kale kordhisay muddada xilka madaxweynaha laga bilaabo 5 sano ilaa 7 sano.

Touadera ayaa markii labaad la doortay 2020, inkastoo ay kasoo horjeesteen kooxo hubeysan oo uu ka mid yahay isbaheysiga mucaaradka ee Coalition of Patriots for Change kuwaasoo isku dayay inay natiijada doorashada burburiyaan.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2016, madaxweynaha 68-jirka ah ayaa adeegsanayay ciidamo shisheeye si uu xukunka u sii haysto, kuwaas oo ay ku jiraan ciidan ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka, iyadoo dalka uu wajahayo colaado joogto ah.

Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo madax-bannaani ka qaadatay Faransiiska 1960-kii, ayaa muddo dheer wajahaysay xasillooni darro, afgambi iyo kacdoonno hubeysan inkasta oo ay tahay dal hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah.

Lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka madaxtinimo, baarlamaan iyo dowladaha hoose ee la filayo inay dhacaan bisha Diseembar.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan