Himilo- Manchester United ayaa horay usii riixeysa qorshe ay kula soo saxiixaneyso James Maddison xagaaga soo aadan heshiis ku kacaya 80 milyan ginni.
Maddison ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu heshiis cusub la saxiixdo Leicester oo uu ugu talo galay inuu mustaqbalkiisa ku sugo garoonka King Power.
Laakiin Starsport ayaa fahansan in tani ay calaamad weyn u tahay warbixinnada noocaas ahna weli kama hor-istaagi doonaan United, kuwaas oo kalsooni ku qaba in Maddison lagu biirin karo Old Trafford iyadoo loo soo bandhigayo qandaraas culus oo ka dhigaya mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan Premier League.
Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa weli taageere weyn oo u ah Maddison, kaasoo ku habboon nooca ciyaaryahan ee uu doonayo inuu u qaato Old Trafford taasoo qeyb ka ah shaqadiisa dib u dhiska.
United ayaa xagaagii hore weerartay Foxes markii Harry Maguire heshiis 80 milyan ginni ah oo ka dhigtay xiddiga reer England daafaca ugu qaalisan kubada cagta adduunka kaga soo qaateen.
waxay rajeynayaan in Maguire uu ka caawiyo sidii looga dhaadhicin lahaa Maddison inuu u raaco Old Trafford.
Maddison, oo 23 jir ah, wuxuu ku jiray qaab ciyaareed wanaagsan xilli ciyaareedkaan wuxuuna ku gudajiraa inuu isku deyo inuu ka mid noqdo xulka England ee Gareth Southgate. Maddison ayaa weli seddex sano iyo bar ah uga harsan qandaraaskiisa haatan ee ah 50 kun ginni isbuucii, laakiin waxa uu ku kasban karaa seddex jibaar