Home / Macluumaad / Naxash jira 2,500 oo sanno oo laga helay Masar

Naxash jira 2,500 oo sanno oo laga helay Masar

Himilo – koox baarta raadadka qadiimiga ah, ayaa soo helay 27-naxash, kuwaas oo la rumeysan yahay inay jiraan 2,500 oo sanno.

Waxaa laga helay qabuuraha qadiimka ah ee Saqqara, halkaas oo hooy u ah mid ka mid ah ahraamta dhawrsan ee Masar.

Wasaaradda dalxiiska Masar, ayaa sheegtay in 27-ka naxash oo aanan wali la furin ka sameysan yihiin Alwaax.

Bishii Maarso ee sannadkan, dowladda Masar ayaa dib u furtay Djoser-haramkii ugu horreeyay ee la dhiso-, kaas oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Dib usoo celintiisa oo qaadatay 14-sanno, waxaa ku baxday aduun lacageed ku dhaw 6.6-milyan oo doolar.

Inkastoo la ogolaaday inay booqdaan dalxiisayaasha, haddana ma badna dadka booqanaya feyruska Corona dartiis, kaas oo wada gaaray dunida.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan