Home / Maalmaha Caalamiga / 03-da May: Maalinta caalamiga ee xorriyadda saxaafadda

03-da May: Maalinta caalamiga ee xorriyadda saxaafadda

Himilo – Kulan ka dhacay Windhoek -caasimadda Namibia intii u dhaxeysay 29-kii April illaa 03-dii May sanadkii 1991-kii, ayaa laga soo saaray baaq la siiyay magaca magaalada oo lagu ayidayay madax banaanidda, xorriyadda iyo kororka saxaafadda Africa.

Marka laga yimaado inuu gaar u ahaa warbaahinta Africa iyo howl-wadeenadeedaba, waxa uu baaqaasi xudun u noqday in maalin gaar ah loo yeelo maamuuska xorriyadda saxaafadda caalamka, kaddib markii sanadkii 1993-kii ay isku raaceen golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Laga soo billaabo xilligaasi, sanad weliba 03-da May waxaa loo dabbaal-degaa maalinta xorriyadda saxaafadda. Waxaa garab istaag loogu muujiyaa weriyayaasha, sawirqaadayaasha iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta, kuwaasi oo iyaga aanan daalin marnaba xogta innoogu keena guryaheenna.

Sidoo kale waa maalin la ifiyo kaalmaha ay dowladaha iyo shucuubta adduunka ay ka qaadan karaan xoojinta xorriyadda warbaahinta, oo la is tusiyo horumarrada laga sameeyay xorriyadda saxaafadda, fartana lagu fiiqo dib u dhaca jira.

Waxaa la qabtaa kulamo xaalka lagu qiimeeyo, sida mid ka dhacay maanta Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay ururka isu-tagga suxufiyiinta ee FESOJ oo kaashaneysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kasokow inay ka qeyb galeen tiro weriyeyaal ah, waxaa dood dhacday ka qeyb ka ahaa xubin ka tirsan xeer illaalinta qaranka, afhayeenka ciidanka boliiska, aqoonyahan iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasi oo gorfeeyay tacadiyo dalka ka dhacay sanadkan iyo midkii tagay, sababaha keenay iyo sida loo yareyn karo.

Inkasto oo sanad weliba laga hadlo mushkiladaasi taagan, haddana nasiib darro tacadiyadu waa ay sii socdaan oo sida ku dhigan xogta UNESCO, intii u dhaxeysay 03-dii May 2021 illaa 03-dii May 2022-ka illaa 16 saxafi ayaa lagu dilay caalamka, halka 293 kalena la xabisay.

Fesoj, ayaa dhankiisa diiwaan galiyay 98 tacadi oo loo geystay suxufiyiinta soomaalida, waxaa ka mid ah illaa 53 wariye oo la xiray, 37 loo caga jugleeyay, iyo hal kiis oo dhimasho ah.

Si loogu baraarugo halista dhanka tiknoolojiyadda oo ay ku wajahayaan suxufiyiinta caalamka ayaa sanadkan hal ke dheg looga dhigay maalinta caalamiga ee xorriyadda saxaafadda “Saxaafad ku hoos jirta go’doomin digital.”

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan