Home / Arrimaha Bulshada / Bacda: Dhigaal dhibaato dambe dhasha’

Bacda: Dhigaal dhibaato dambe dhasha’

Himilo – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan lagu mamnuucayo isticmaalka bacaha halista ku ah deegaanka.

Go’aanku wuxuu mamnuucayaa soo dejinta bacaha halka mar la isticmaalo iyo in laga adeeegsado dalka oo dhan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale amartay in gebi ahaanba la joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha laga bilaabo Juun 30, 2024.

Wasaaraddu, ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxay ku dhiirigelisay dhammaan shirkadaha iyo ganacsatada inay raadiyaan beddelka bacaha oo aan waxyeello u geysanayn deegaanka.

Waxaa sidoo kale wareegtada wasaaradda lagu sheegay: “Haddaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ay quseyso warqadan in ay u hogaansamaan awaamiirta kor ku xusan.”

Bacda: Dhigaal dhibaato dambe dhasha!

Marka hore  isticmaalkooda waa hawl sahlan balse waxa ay leeyadahay dhigaal dhibaato dambe dhala, waxaan maqaalkan kuugu sheegi doonaa, waxyeelada bacaha ee deegaanka iyo dadka, waxaa kale oo aan wax iska oran doonaa waxyaabaha noo bedeli kara ama aan kaga maarmi karno adeegsigeeda, waxaan filaya inaad isticmaalkeeda yareyn doonto markaad sii ogaado mushkiladeeda.

Bacaha waxa ay leeyihiin ilo badan oo ay ka soo baxaan, waxa aan ku isticmaalnaa maalin walba guryaheenna, iskuulada, xafiisyada, xarumaha ganacsiga xittaa waxa aan adeegsanaa marka aan safarrada ku jirno maadaana ay tahay weel fudud.

Marka aan sidaa ugu hawl gudano waxaan si baraad lihi ah ugu tuurnaa meel aan munaasab aheyn sida jidadka la maro, waxa ay leedahay adkaysi badan si dhib yarna kuma baaba’do.

Inay go’go’do waxa ay qaadan kartaa sida la ogaaday 400 ilaa 1000 sano, markaa kaddib weli dhibkeedu ma haro gabaladeeda kala go’ay waxa ay ku milmaan ciidda.

Haraadigaas waxa uu toos u gaaraa biyaha ku jira dhulka ee aan cabno, qeyb kale waxaa qaada daadka oo geeya badaha, waraha, balliyada, garbooyinka iyo biyo-qabatinada kale.

Kolkay sidaas dhacdo miyuu shaki kaa galayaa inay biyaha u raacayso dadka iyo noolaha kale  bad iyo bariba kuu joogaba.

Sidaa darteed bacdu waxa ay sababtaa inay sannad kasta u dhintaan 100,000 oo isugu jira noolaha kala duwan ee badaha ku dhex nool.

Ku dhawaad 90% bur-burka laga helo badaha waa-wayn waa bac, tani waxa ay keentay in noolaha badda ay cumaan  baco, dabadeedna ay u dhintaan.

Dhibaatada kale ee dhacda marka kalluun badda ku jira uu cuno bac, waa suura gal inuu ku sumoomo ama uu ku jirrado, kadibna isagoo sumaysan ay cunnaan aadanane, dabadeedna lagu xanuunsado.

Meelo kooban marka laga tago, miyi iyo magaalaada sida badan waxaad ku arkaysaa dad gacmaha ku sita baco kala nooc ah oo ku wata alaab.

Sannad kasta trillions bac ah ayaa laga isticmaala daafaha dunida, isticmaalka kadib dhulka (meeraha) ayay ku sii dulnagaataa qarniyo. Adeegsigeeda oo aan sii waddo dunida waxa uu ku keeni karaa dhibaato caafimaad darro.

Erayga Plastic waxa uu ka yimid eray Greek ah “Plastikos” qolaba waxa ay ula baxday magac gaar ah waxaa loo adeegsadaa siyaabo kala duwan balse ugu dambeyn waxa ay ka mid noqotaa qashinka waxayna ka soo muuqataa dacala waddooyinka iyo meelaha gudaafadda.

Dunidu waxa ay si sanadle ah u soo saartaa  150 millions  oo  tons oo bac ah, sidaa darteed way sii kordhaysaa 5% qiyaas ahaan.

Maxaa keenaya in la daneeyo

Miisaankeeda oo fudud, iyadoo roobka ka celisa waxa ku jira iyo xulashooyinka kale waxa ay dadka u horseedeen inay aad u isticmaalaan.

Markii la ogaaday dhibaatada caafimaad darro ee ay bacdu u horseedo aadanaha iyo midda ay ku hayso  noolaha barriga iyo baddaba dawlado ayaa go’aansaday inay mamnuucaan.

W/Q :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan