Himilo – Maanta oo ah 12 October waxay ku beegantahay maalinkii la sameeyay calanka Soomaaliya, kaas oo goboladii Waqooyi iyo kuwii Koonfureed ee Soomaaliya labadaba laga taagay markii ay xornimada Soomaaliya ka qaadatay gumeystayaashi Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Maantoo kale 12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shan geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
Marka 12 bishaan waxaa gayiga ay soomaalidu joogto laga xusaa maalinta calanka sooomaaliya, iyadoo la qabto dabaal-degyo iyo xafladao lagu maamuusayo maalintaan.
Waxaa lagu casuumaa masuuliyiin, aqoonyahano iyo waaya jog hore oo ka sheekeeya qiimaha iyo halganka loo galay calanka, Khudbado kala duwan oo lagaso jeediyey dabaal dagga ayaa waxaa intooda badan looga hadlaa sidii loo weyneyn lahaa Calanka Soomaaliya, bulshaduna u dhowri laheyd sharafta uu ku fadhiyo.
Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga.
Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay, waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig badan ku daatay. qiimaha, ixtiraamka, iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankaan suubban ayaa laga dareemaa marka la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka oo dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaantaCalanka.
Taas oo ay jirto hadana sanidii dhawaaa waxaa xoogeystay isticmalka calamo kale oo bar bar socda kan qarankeena, taas oo mararka qaar loo fisho ay meesha ka saareyso qiimihii uu lahaa.
Maanta oo uu Soomaaliya ka jiro nidaam federaal ah waxaa shacabka indhahooda ku soo batay calamo ay sameysteen maamul goboleedyada kala duwan ee hoos taga dowladda dhexe.
Marka laga soo tago Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, waxaa jira lix maamul oo ku jira Federaalka Soomaaliya – kuwaasoo mid walba uu leeyahay calan u gaar ah.
Dadka Soomaalida ah ee ka soo kala jeeda dowlad goboleedyada ayaa si weyn u daneeya calamada maamulladooda, qaarkoodna waxayba isbarbar dhig ku sameeyaan calamadaas kala duwan iyo midka Qaranka.
Munaasabadaha ka dhaca deegaannada ay ka jiraan maamul goboleedyadaas ayaa lagu arkaa dadweynaha oo ku labisan calamada dowlad goboleedyadooda, iyagoo ku lammaaniyay calanka Soomaaliya.
Khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa la aaminsan yahay inuu saameyn ku leeyahay isbarbar dhigga calamada, iyadoona maamula qaarkood ay u arkaan in dowlad gaar ay noqon karaan.
Waxaa sidoo Iyana soo maxay calamada ay samaysanayaan qabiilada soomaalida oo marka qaar loo asteynayo maalin gaar ah ooay leeyihiin reerkaasi si u xusaan iyadoo loo heesayo iyadoo la taagayo calankii qabiilka.
In kasta oo calamada maamul-goboleedyadu iyo qabiiladu ay yihiin calaamo maxalli ah, haddana waxaa jira cabsi ah in ay hoos u dhigaan dareenka midnimada qaran, gaar ahaan marka dadku u arkaan calanka goboleed inuu ka sarreeyo kan qaranka.