Himilo – Diyaarad yar oo siday dalxiisayaal shisheeye ayaa ku dhacday gobolka xeebta ee Kwale ee dalka Kenya aroornimadii ee maanta, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku dhinteen 12 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Shilka ayaa ka dhacay meel buuraley ah oo keymo leh, oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta garoonka diyaaradaha ee Diani, sida uu sheegay Stephen Orinde, guddoomiyaha gobolka Kwale. Wuxuu sheegay in dhammaan dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen dalxiisayaal ajnabi ah, balse jinsiyadooda weli aan la xaqiijin.
Hay’adda Duulista Rayidka Kenya (KCAA) ayaa xaqiijisay in 12 qof ay saarnaayeen diyaaradda nooca Cessna Caravan, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay shilka. Lama oga tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka, balse saraakiishu sheegeen in diyaaradda ay qaraxday daqiiqado kaddib markii ay ka duushay Diani, taasoo sababtay in ay gubato gebi ahaanba.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press (AP) inay maqleen jug weyn, ayna goobta ka heleen burburka diyaaradda iyo maydad gubtay oo aan la aqoonsan karin.
Shirkadda diyaaradda ee Mombasa Air Safari, oo lahayd diyaaradda shilka gashay, ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso hay’adda duulista rayidka si loo helo xog rasmi ah oo ku saabsan dhacdada, isla markaana warbixino dheeraad ah la shaacin doono marka baaritaanku socdo.
Radio Himilo
