Home / Deegaan / 20% barafka Antarctica oo ku dhalaalay muddo 10 maalin ah

20% barafka Antarctica oo ku dhalaalay muddo 10 maalin ah

Himilo – Sawirro ay baahisay wakaalada Mareykanka ee NASA ayaa muujiyay barafka qaaradda cirifka koonfureed ee Antarctica oo si weyn u dhalaalay intii u dhaxaysay 4-tii illaa 13-ka bishan Febraayo.

Sida ka muuqata sawiradda ay qaadeen dayax gacmeedyo, waxaa dhalaalay 20% barafka jasiiradda ku taalla Antarctica.

NASA oo soo saartay qoraal ayaa sheegtay in mowjaddo kuleyl ah ku dhufteen qaaradda barafka 5-tii bishan.

Morey Belto oo ku taqasusay culuumta barafka ayaa sheegay in uusan horay u arag barafka intaa la eg ee mudada kooban ku dhalaalay. Waxa uu xusay inay tani tahay natiijadda isbadalka cimilada adduunka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan