Home / Arrimaha Bulshada / 20 May – Maalinta Caalamiga ah ee Shinnida

20 May – Maalinta Caalamiga ah ee Shinnida

Himilo – Maanta oo kale sanad kasta waxaa adduunka laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Shinnida oo ay u aqoonsatay Qaramada Midoobay iyada oo xoogga lagu saarayo muhiimada ay aadamaha iyo noolayaasha kale ay u leedahay, waxaana la  qabta xaflado lagu maamusayo maalintan oo la doonayo in lagu ilaaliyo shinnida.

Sida laga soo xigtay Xarunta Warfaafinta ee Qaramada Midoobay, ujeeddada loo dabaaldegayo maalinta shinnida adduunka waa in la xoojiyo tallaabooyinka looga golleeyahay ilaalinta shinnida iyo kuwa kale. Tani waxay si weyn gacan uga geysan doontaa xallinta dhibaatooyinka la xiriira sahayda cuntada adduunka iyo baabi’inta gaajada ka jirta waddamada soo koraya.

Maalinta Shinnida Adduunka ee sanadkan, oo halku dheg looga dhigay “Shinnidu Waxay dhiirigalisay “Dabeecadda si ay noo nafaqeeyso dhammaanteen” waxay muujineysaa doorka muhiimka ah ee ay shinnidu ka ciyaarto silsiladda cuntada ee aadanaha iyo caafimaadka hab-nololeedka dhulka, taasoo soo jeedinaysa in waayidda  shinnidu ay ka macno wayn tahay sannad la waayay  malabka oo keliya.

Maalintan ayaa la xusayay tan iyo 2018-kii, iyadoo ay ku timid dadaalka ay bixisay dowladda Slovenia oo gacan ka heleysa ururka Apimondia (Xiriirka Caalamiga ah ee Ururrada shinnilayda), taasoo keentay in Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku dhawaaqo in 20-ka May ay tahay maalinta Shinnida  Adduunka.

Shinnida iyo kuwa kale ee taranta  ayaa la kulma khataro isa soo taraya oo ay ugu wacan tahay luminta deegaanka, dhaqamada beeraha ee aan waaranayn, isbedelka cimilada iyo wasakhowga. Hoos-u-dhacoodu wuxuu khatar ku yahay wax-soo-saarka dalagga adduunka, wuxuu kordhiyaa kharashka, sidaas awgeedna wuxuu uga sii daraa sugnaanshaha cuntada ee adduunka.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), waxaa jira in ka badan 200,000 nooc oo xayawaan ah oo lagu sifeeyay inay yihiin kuwa ka qayb qaata taranta, kuwaas oo intooda badan ay yihiin duurjoog, oo ay ku jiraan balanbaalista, shimbiraha, fiidmeerta, iyo in ka badan 20,000 nooc oo shinni ah, kuwaas oo loo arko “taranta  ugu weyn.”

Waxay  lama huraan u tahay nidaamyada beeraha, taageeridda wax-soo-saarka in ka badan 75% dalagga adduunka, oo ay ku jiraan miraha, khudaarta, lawska, iyo iniinaha.

Waxaa jira arragtiyo lagu dhiirigelinayo jiilka cusub ee hoggaamiyaasha deegaanka oo awood loo siiyo inay saameyn togan ku yeeshaan adduunka.

Dhiirigelinta beeralayda iyo yaraynta ku tiirsanaanta kiimikooyinka sunta ah waxay sahlaysa kororka taranka shinnida, habkani wuxuu wanaajin karaa tayada cuntada iyo tirada waxayna faa’iido u leedahay bini’aadamka iyo nidaamka deegaanka labadaba.

Waxaa xusid mudan in shinnida iyo pollinators kale, sida balanbaalista, fiidmeerta iyo nooc ka mid ah shimbiraha, ay ku jiraan khatar sii kordheysa sababo la xiriira  hawlaha bani’aadamka .

Waxaa intaas dheer in shinnidu ay wajahdo khatar jirta, maaddaama ay kor u kacday heerka dabar goynta noocyada hadda jira oo 100 ilaa 1000 jeer ka badan heerka dabiiciga ah taas oo ay sabab u tahay saamaynta bani’aadamka.

Dhaqamada beerlayda, isbeddelka isticmaalka dhulka, isticmaalka sunta cayayaanka iyo heerkulka sare u kaca ee la xidhiidha isbeddelka cimilada ayaa dhammaantood caqabad ku ah shinnida, taas oo saamaynaysa tayada cuntada aynu beerano.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan