Home / Macluumaad / Wax ka baro 10-ka Dal ee qaarada Africa ugu dhulka weyn

Wax ka baro 10-ka Dal ee qaarada Africa ugu dhulka weyn

Himilo – Waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa 10-ka dal ee Africa ugu dhulka weyn annagoo ku bilaabi doona midka tobanaad.

10: Muritania, Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Muritaaniya waxa ay dhacdaa waqooyi-galbeed Africa, Magaalo madaxdeeda waxaa layiraahdaa Nouakchott (Nuwaag-shoot), bedkeeda waxa uu gaarayaa (1,3700 km2) shacabka Muritaaniya waxay gaarayaan 4.182 milyan oo qof.

9:South Africa, Jamhuuriyadda Koofur Africa waxay dhacaa sida ka muuqata magaceeda koofurta qaarada Africa, bedkeedu waa 1,221,000 KM2, waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 55.91 milyan oo qof, caasimada waddanka waxaa layiraahdaa Pretoria.

8: Mali, Jamhuuriyada Mali waa waddan ku yaallo galbeedka Africa, waa dal xiran (malahan wax bad ah) badkiisu waxuu gaarayaa 1,240,000 km2 caasimada wadanka Mali waxaa lagu magacaabaa Bamako, dadka u dhashay Mali waxay gaarayaan  15M oo ruux.

7: Angola, waxay dhacdaa koofur galbeed Africa, bedkeedu wuxuu gaarayaa 1,246,000 km2, caasimada waddanka Angola waxaa layiraahdaa  Luanda, dadka ku nool Angola waxay gaarayaan 29M oo qof.

6: Niger Jamhuuriyada Niger, waxay dhacdaa galbeedka Africa waa dowlad xiran (malahan wax bad ah) bedka Nigar waxa uu gaarayaa 1,267,000 Km2 Niamey (Niyaami).

5:Chad, Jamhuuriyada Chad, waxay dhacdaa bartamaha Africa, badka dowlada Chad waxuu gaarayaa 1,284,000 km2. caasimada Jamhuuriyada Chad waxa layiraahdaa N’Djamena (Nijamiina), waxaa dalkan ku nool 14M oo qof.

4:Libiya waxay dhacdaa waqooyiga Africa, waa dal ka mid ah dalalka ugu dhulka weyn caalamka, wuxuu bedkiisu gaarayaan 1,759,000 KM2, caasimada waddanka Libiya waxaa layiraadkaa Tripoli, dadka ku nool waxay gaarayaan 6.293M oo qof.

3: Sudan, Jamhuuriyada Sudan, dalkan wuxuu ahaa waddanka ugu dhulka weyn Africa ka hor inta aysan ka ogin sudaanta koofureed, badka Sudan waxuu gaarayaa 1,861,000 km2, Caasimada waddanka Sudan waa magaalada Khartoum dadka Sudaan ku nool waxay gaarayaan 41,680,022 oo qof.

2: Jamhuuriyada Demoqoradiga cong (Dr) waxuu dhacaa bartmada Africa, waa dalka labaad ee Africa ugu dhulka weyn, bedkiisu waxuu gaarayaa 2,344,000km2, dadka ku nool DR  waxay gaarayaan 82M oo qof, caasimada waddanka waxaa layiraahdaa Kinshasa.

1: Algeria, dalka Algeria waa dalka ugu dhulka weyn qaaradda Africa waxa uu dhacaa waqooyiga Africa, bedka Algeria waxa uu gaarayaa  2,381,000 km2, Algeria waxay ka gooban tahay  48 gobol waxaana ugu weyn gobolka Tamanrasset, gobolkan waxuu ka dhul weyn yahay waddamada Jarmalka iyo Syria, caasimada waddanka Algeria waxaa layiraahdaa Algiers dadka ku nool Algeria waxay gaarayaan 40.61 million oo qof.

W/Q: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan