Home / Macluumaad / Afghanistan: Dhulgariirkii Bariga Oo Dilay In Ka Badan 1,800 Qof

Afghanistan: Dhulgariirkii Bariga Oo Dilay In Ka Badan 1,800 Qof

Himilo – Howlgallada gurmadka iyo raadiyaha dadka ka badbaaday dhulgariir xooggan oo Axadii ka dhacay bariga Afghanistan ayaa weli socda, iyadoo tirada dhimashadu ay gaartay in ka badan 1,800 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Afhayeenka ciidamada ammaanka ee gobolka Kunar, Rahimullah Hamzala, ayaa u sheegay wakaaladda Bakhtar News in dhimashada iyo dhaawacyadu kor u dhaafeen 5,000 qof, iyadoo keliya deegaanka Mazar Darah lagu xaqiijiyay dhimashada 1,825 qof.

“Maadaama dad badan wali ku hoos jiraan burburka guryaha, tirada dhimashadu  sare u kici kartaa,” ayuu yiri Hamzala.

Mas’uuliyiinta Kabul waxay sheegeen in tiradu ka sii korodho marka xogta rasmiga ah laga helo gobollada Nangarhar, Laghman iyo Panjshir, oo iyagana ay dhulgariirku ku dhaceen. Ugu yaraan 12 qof ayaa horay loogu xaqiijiyay inay ku dhinteen Nangarhar.

Hay’adaha gargaarka bini’aadantinimo ayaa ka digay in baaxadda masiibadan ay u baahan tahay taageero caalami ah oo degdeg ah si looga hortago xaalad bani’aadantinimo oo ka sii daran.

Dalka Turkiye ayaa toddobaadkan u diray Afghanistan 25 tan oo gargaar ah, oo ay ku jiraan agab hoy, qalabka nadaafadda iyo raashin. Dalalka dariska ah ee Pakistan, Iran, Shiinaha iyo Hindiya, iyo sidoo kale dalal reer galbeed ah ayaa ballan qaaday inay caawin doonaan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan