Home / Cayaaro / Arda Guler oo ka hadlay Lamine Yamal ka hor is aragooda habeen dambe

Arda Guler oo ka hadlay Lamine Yamal ka hor is aragooda habeen dambe

Himilo – Iyadoo kulanka soo aadan ay xulka qaranka Spain la dheeli doonaan Turkiye, ayaa waxaa wax laga waydiiyay Arda Guler xidiga ay horyaalka ku xafiiltamaan ee   Lamine Yamal.

Ciyaarta soo socota ayaa la arki doona La Roja oo la ciyaari doonta Turkiga, taasoo siinaysa Yamal fursad kale oo uu ku iftiimiyo awoodiisa.

Isagoo la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka Spain ay la ciyaarayaan Turkiga, khadka dhexe ee Real Madrid Arda Guler ayaa ka hadlay Lamine Yamal, tayada xiddiga Barcelona iyo khatarta uu ku leeyahay kulanka habeen dambe.

“Dabcan, Lamine igama yaabin, dhamaanteen waan ognahay inuu yahay ciyaaryahan aad u muhiim ah oo tayo sare leh – sidoo kale berri, wuxuu isku dayi doonaa inuu na geliyo dhibaato, laakiin waxaan muujin doonaa ixtiraam ciyaartoydeena, waxaana sameyn doonaa sida ugu fiican.”

Mar wax laga weydiiyay isbarbardhigga isaga iyo Yamal, marka loo eego xifaaltankooda heerka naadiyada iyo in labadooduba ay ka tirsan yihiin jiilka soo socda, ayuu yiri xiddiga Turkiga.

“Dabcan, ma hayo wax badan oo aan ka sheego Yamal, sababtoo ah isku boos kuma ciyaarno mana haysanno qaab isku mid ah.”

“Isbarbardhigga ma ahan mid sax ah – laakiin waan fahamsanahay isbarbardhigga, wuxuu u ciyaaraa Barcelona, aniguna waxaan u ciyaaraa Real Madrid, laakiin waxaan u rajeynayaa wanaag sidoo kale kulanka berri,” ayuu raaciyay.

 

 

 

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan