Himilo – Maamulaha Barcelona Hansi Flick ayaa hoosta ka xarriiqay inuu aaminsan yahay in Fermín López uu sii joogi doono kooxda inkastoo suuqa kala iibsiga ay kasoo daahday Chelsea.
Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka La Liga ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Rayo Vallecano, Flick ayaa ka hadlay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xiddiga khadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Spain wuxuuna carabka ku adkeeyay xukunkiisa ah in 22 jirkaan uusan bixi doonin ka hor inta uusan suuqa xirmin.
“Waqtigan xaadirka ah halkan ayuu joogaa,” Flick ayaa yiri markii si toos ah wax looga weydiiyay mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe. “Waan la hadlay isaga, waan ku qanacsanahay inuu sii joogi doono, laakiin dhamaadka ma garanayo waxa dhaca, waa inaan sugno, runtii aad ayaan u faraxsanahay marka suuqa la xiro.”
Barcelona waxay ogtahay in dalabyada xoogan ee Premier League, gaar ahaan kooxaha sida Chelsea, ay badali karaan madaxa ciyaaryahan. Weli, Flick wuxuu caddeeyay in Fermín uu udub dhexaad u yahay qorshihiisa. “Waxaan u sheegay fikradeyda, laakiin waa aniga iyo isaga, mararka qaarkood ciyaartoyda waxay leeyihiin fikrado kale, ciyaartoyda ku hareeraysan sidoo kale dad badan, kuwaas oo og malaha in ka badan inta aan ognahay, waa ganacsi weyn.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.