Home / Cayaaro / Barcelona oo u bandhigaysa Xavi in uu noqdo beddalka Valverde

Barcelona oo u bandhigaysa Xavi in uu noqdo beddalka Valverde

Himilo – Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u bandhigayso ciyaaryahankii hore ee kooxda, Xavi heshiis uu ku beddalo maamulaha hadda ee kooxda Ernesto Valverde.

Kooxda reer Catalan ayaa laga cirib-tiray koobka Super Cup-ka ee Spain kaddib markii guuldarro 3-2 ka soo gaartay Atletico Madrid, taasi oo cadaadiska ku kordhisay tababaraha 55 jirka ah.

RAC1 ayaa soo warineysa in Barcelona kor u qaaday dadaalka ay ugu jirto tababare cusub iyadoo mas’uuliyiinta kooxda u safreen Qatar si ay ula kulmaan Xavi.

Ma cadda waxa laga wadahadlay balse waxaa la aaminsan yahay in 39 jirka loo bandhigay heshiis labo sanno iyo bar ah oo uu ku maamulayo kooxda ku ciyaarta garoonka Nou Camp.

Xavi ayaa ka tagay Barcelona sannadkii 2015-ka isaga oo kooxda la joogay ku dhawaad 20 sanno. Waxa uu kula guuleystay inka badan 20 koob.

Murrashaxiinta kale ee lala xiriiriyay booska waxaa kamid ah Thierry Henry, Roberto Martinez iyo Ronald Koeman.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan