Himilo – Boqolaal dadweyne ah ayaa Axaddii isugu soo baxay magaalada Melbourne si ay u xusaan 77 sano kadib dhacdadii Nakba, taasoo ah barakicintii khasabka ahayd ee loo geystay in ka badan 750,000 oo Falastiiniyiin ah sanadkii 1948, sida ay werisey warbaahinta dadweynaha ee ABC.
Sannadguurada Nakba – oo micnaheedu yahay “masiibo” af-Carabi ahaan – waxay dhacdaa sanad kasta 15-ka May, waxaana lagu xusaa khasaaraha iyo caddaalad darrada taariikhiga ah ee loo geystay shacabka Falastiin.
Qaban-qaabiyeyaasha mudaaharaadka ayaa sheegay:
“Waxaan u barooraneynaa, dibna u milicsaneynaa xasuuqii iyo barakicintii xoogga ahayd ee lagu sameeyay in ka badan 750,000 Falastiiniyiin ah sanadkii 1948, waxaana markale xoojinaynaa xaqooda ah inay dalkooda ku noqdaan.”
Dadweynaha mudaharaadayay ayaa isugu yimid State Library, halkaas oo ay kaga dhaqaaqeen socod, iyagoo maraya safaaradda Mareykanka. Waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin: “Xorow, xorow Falastiin”, iyadoo ay dhawaqa durbaanadu la socdeen socodkooda.
Mudaharaadyo kale oo iskumid ah ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyinka Adelaide iyo Brisbane.
Taariikh ahaan, sanadkii 1948, in ka badan 700,000 Falastiiniyiin ah ayaa laga barakiciyay guryahoodii iyo tuulooyinkoodii. Xaaladdan ayaa weli raadkeedii laga dareemayaa dhulka Falastiin illaa maanta.
Xuska sannadkan ayaa yimid iyadoo Israa’iil weli wado weerarro ba’an oo ay ku hayso Gaza, tan iyo weerarkii Hamas ee dhacay 7-dii Oktoobar 2023. Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa kor u dhaaftay 53,200, badankoodna waa haween iyo carruur, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ku dhawaad 2 milyan oo qof ay wajahayaan macaluul ba’an, kadib markii Israa’iil ay tan iyo 2-dii Maarso xannibtay gelitaanka cunno, daawo, hoy iyo gargaar kale oo bani’aadamnimo gudaha Gaza.