Home / Arrimaha Bulshada / Dab saameeyay dhulkii dalxiiska ee buurta Daallo

Dab saameeyay dhulkii dalxiiska ee buurta Daallo

Himilo – Dab xoogan oo lagu sheegay kii ugu weynaa taariikhda dhaw la diiwaan geliyay sida laga soo xigtyay wasaaradda Arrimada Gudaha Somaliland ayaa ka kacay buurta Daallo ee gobolka Sanaag.

Dabka la sheegay inuu saameeeyay dhul ballaaran  iyadoo uu waxyeelo u geystay beero iyo dhirtii deegaanka oo noocyo kala duwan leh. Waxa uu noqday mid aan la xakamayn karin iyadoo inuu faafo ay ka qeyb qaateen dabaylo xoogan oo dhacaya.

ilaa iyo hadda dhimasho dadeed lama soo werin marka laga tago shaqsiyaad dhaacwacyo fudud ay soo gaareen xilli ay isku dayayeen inay dabka damiyaan. waxyaabaha sii adkeeyay inuu dheeraado waqtiga dabka waxaa ka mid ah deegaanka oo aysan joojin xirfadlayaasha u diyaarsan qalab ahaan iyo aqoon ahaanba iyo jid xumo maaddaama kaymo iyo buur ay tahay meeshu. dadka ku baxay waxay adeegsanayeen agab dhaqameed aan awood badan lahayn.

Sababta rasmiga ah ee keentay dabka waxaa ku socda baaritaan balse xogaha horudhaca ah ayaa sheegaya in loo tiirinayo dabaylaha iyo dabka ay shitaan dadka shinnida malabka ka jabsada. Waxyeellada dabka keliya ma saamaynayso hab nololeedka guud ee deegaanka balse waxay sidoo kale dhaawac dib u dhac ah ku reebaysaa kaymihii dalxiiska ee deegaanka.

Dadka ayaa qaatay maalmo, xoogiisa in ka damiyay ayay xogaha qara sheegayaa hadda balse waxaa jira meelo uu weli holac iyo qiiq ka baxayso sida ilo-wareedyada qaar ay ku soo warramayaaan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan