Himilo – Dhaqaalaha Israel ayaa wajahay khasaare baaxad leh kadib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee lala galay Iran, iyadoo kharashka dagaalka lagu qiyaasay in uu gaaray balaayiin doollar, sida ay xaqiijiyeen ilo dhaqaale iyo warbaahinta caalamiga ah.
Sida uu qoray wargeyska Financial Express, Israel waxay ku bixisay in ka badan $5 bilyan usbuucii ugu horreeyay ee weerarada, iyadoo kharashka maalinlaha ah lagu qiyaasay $725 milyan – $593 milyan oo u gaar ah weerarada, iyo $132 milyan oo ku baxay difaaca iyo diyaar-garowga millatari.
Hay’adda Aaron Institute for Economic Policy ee fadhigeedu yahay Israel ayaa ku qiyaastay in haddii dagaalku socdo muddo bil ah, kharashka guud uu gaari karo $12 bilyan, halka khabiirka dhaqaalaha Naser Abdelkarim uu sheegay in khasaarihii tooska iyo midka dadban ee dagaalku uu Israel ku kacayo illaa $20 bilyan.
Qiyaasaha rasmiga ah waxay tilmaamayaan in in ka badan 10,000 qof laga daadgureeyay guryahooda, halka 36,000 oo qof ay codsadeen magdhow, sida laga soo xigtay maamulka canshuuraha Israel.
Wasaaradda Maaliyadda Israel ayaa sheegtay in dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay si degdeg ah, iyadoo codsatay $857 milyan oo dheeraad ah oo la siiyo Wasaaradda Difaaca, iyo in $200 milyan laga jarayo adeegyadii caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.
Cabsida Maal-gashadayaasha iyo Hoos-u-dhaca Suuqyada
Wargeyska Globes wuxuu sheegay in inta badan lacagaha la raadinayo lagu dabooli doono kharashka ciidanka, maadaama 450,000 askari oo keyd ah la abaabulay muddada dagaalka.
Qiimaha shekel-ka Israel ee dollarka Mareykanka ayuu hoos ugu dhacay 3.7, balse wuxuu dib ugu soo kacay 3.5, inkastoo la sheegay in arrintaas ay sabab u tahay daciifnimada dollarka iyo ganacsiyo mala-awaal ah oo suuqa dhexdiisa ka socday.
Marka laga yimaado kharashaadka millatariga, dhaqaalaha guud ee Israel ayaa hoos u dhacay, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion la xiray muddo, taas oo saameysay duulimaadyadii iyo socodkii rakaabka – arrin loo arko inay sii xumeynayso dhaqaalaha.
Weerarro lagu beegsaday xarumaha saliidda iyo warshadda Bazan ee Tel Aviv, ayaa sababay khasaare lagu qiyaasay $3 milyan maalin kasta, sida ay sheegtay Financial Times.
Weerarro kale oo lala beegsaday suuqyada dahabka ee Tel Aviv – oo ah 8% dhoofinta guud ee Israel – ayaa keenay in suuqyadii saamiyada la kala iibsado ay hoos u dhacaan, taasoo sii kordhisay walaaca maal-gashadayaasha.
Xabad-joojin La Gaaray
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in xabad-joojin buuxda la gaaray Israel iyo Iran, taasoo dhaqan gashay Talaadadii 0400 GMT. Si kastaba, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku amray ciidamadiisa in ay sii wadaan weerarada, isagoo ku eedeeyay Iran inay jebisay xabad-joojinta – eedeyn ay Tehran beenisay.
Isla Isniintii, Iran waxay gantaallo ku garaacday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Udeid ee dalka Qatar, taasoo sare u qaaday xiisadda, kaddib weeraradii Mareykanka ku qaaday saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iran leedahay.
Dagaalka ayaa qarxay 13-kii Juun, markii Israel ay weerartay xarumo muhiim ah oo Iran leedahay, taasoo keentay in Iran ay is-difaacdo. Ilaa hadda, Israel waxay sheegtay in 25 qof looga dilay weerarada Iran, halka Iran ay sheegtay in ugu yaraan 430 qof looga dilay weerarada Israel, iyo in ka badan 3,500 ay ku dhaawacmeen.