Home / Cayaaro / Dhaawac daran oo Braithwaite ku xukumi kara inuu maqnaado muddo bilooyin ah

Dhaawac daran oo Braithwaite ku xukumi kara inuu maqnaado muddo bilooyin ah

Himilo – Martin Braithwaite ayaa qarka u saaran inuu garoomada ka maqnaado ilaa afar bilood, taasoo ka dhalatay dhaawicii ka soo gaaray guushii ay Barcelona dhawaan ka gaartay Getafe.

Tijaabooyin caafimaad oo maanta  la sameeyay ayaa muujiyay darnaanta dhaawaca jilibka Barcelona ayaana qarka u saaran inay go’aan rasmi ah ka gaarto sida loola dhaqmi doono ciyaaryahanka, maadaama aysan meesha ka saarin qaliin.

Sida uu sheegayo wariye Gerard Romero, weeraryahanka reer Denmark ayaa dhibaato ka haysataa carjawda jilibka waxaana laga yaabaa inuu maqnaado inta u dhexeysa saddex ilaa afar bilood.

Waxay u taagan tahay dib -u -dhacii ugu dambeeyay ee Ronald Koeman ee safkiisa hore, iyadoo Braithwaite uu ku biirayo Ousmane Dembele, Sergio Aguero iyo Ansu Fati.

Iyadoo Antoine Griezmann uusan hadda diyaar ahayn ka dib markii uu baxay maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, imaanshaha Luuk de Jong ayaa hadda ahmiyad gaar ah yeelatay.

Inkastoo De Jong aan la fileynin inuu ku bilaawdo Blaugrana, hadana wuxuu u muuqdaa inuu hogaamin doono safka kulanka furitaanka wareega group -yada Champions League ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich Talaadada.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan