Home / Arrimaha Bulshada / Dhaqaalaha Shiinaha oo Kordhay 4.8% markii 3aad sanadkan

Dhaqaalaha Shiinaha oo Kordhay 4.8% markii 3aad sanadkan

Himilo – Dhaqaalaha Shiinaha ayaa kor u kacay 4.8% marka la barbar dhigo sannadkii hore, sida lagu sheegay xog ay  soo saartay Hay’adda Qaran ee Tirakoobka (NBS).

Inkasta oo kobaca saddexda bilood ee saddexaad uu yara hoos u dhacay marka loo eego labada rubuc ee hore, celceliska kobaca sanadka oo dhan ayaa ah 5.2%, taasoo la jaanqaadaysa bartilmaameedka dowladda ee ahaa “ku dhowaad 5%.”

Rubucii koowaad ee sanadkan, dhaqaalaha Shiinaha ayaa kor u kacay 5.4%, halka rubucii labaad uu ahaa 5.2%.

Warbixintu waxay muujisay in soosaarka warshadaha uu kordhay 6.5% bishii Sebteembar marka loo eego isla bishii sannadkii hore, kadib markii uu kordhay 5.7% bishii Luulyo iyo 5.2% bishii Agoosto.

Iibka tafaariiqda ayaa kor u kacay 3% bishii Sebteembar, iyadoo hoos uga dhacday kororkii 3.4% ee bishii Agoosto.

Heerka shaqo la’aanta magaalooyinka ayaa isna hoos uga dhacay 5.3% bishii Agoosto una noqday 5.2% bishii Sebteembar, taasoo muujineysa in suuqa shaqadu uu xoogaa soo kabanayo.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan