Himilo – Gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa bilaabay olole ballaaran oo diiwaangelin ah, si dib loogu celiyo malaayiin carruur ah oo ka maqan iskuulada. Wasaaradda Waxbarashada gobolka ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay sannad-dhigsiyeedkan ay qorayso 7.4 milyan oo arday. Ololehan ayaa socon doona illaa 5 Sebteembar. Waxaa loo tababari 10,000 macallin iyo maamulayaal iskuul.
UNICEF ayaa horay u sheegtay in sannadkii hore kaliya ay jiraan 4.4 milyan carruur ah oo ku nool gobolka Amxaarada oo aan tagin iskuul, taas oo ka dhigtay gobolka kan ugu tirada badan ardayda dibadda ka jooga tacliinta dalka Itoobiya.
Muddo laba sano ah, dagaal hubeysan iyo amni-darro ayaa caqabad weyn ku noqday in malaayiin carruur ah ay xaadiraan fasallada. Cilmi-baaris ayaa tilmaantay in carruurta ka baxsan waxbarashada ay halis weyn ugu jiraan shaqo khasab ah, balwad iyo niyad-jab. Dhanka gabdhaha, khatarahaasi waxaa sii dheer guur khasab ah.
Warbixin UNICEF ay soo saartay Janaayo 2025 ayaa muujisay in guud ahaan Itoobiya ay jiraan in ka badan 9 milyan carruur ah oo ka maqan iskuulada sababo la xiriira dagaallo, barakac, masiibooyin dabiici ah iyo dhibaatooyin dhaqaale. Waxaa intaas dheer in in ka badan 6,000 iskuul oo xirmay, halka 10,000 kale ay burbureen. Dib u dhisidooda ayaa u baahan doonto $800 milyan.